Arsenal oo isbuucaan gudihiisa ku dhawaaqaysa saxiixa xiddig ka tirsan Chelsea

(London) 29 Dis 2018 Tababare Unai Emery ayaa doonaya inuu xili hore soo afjaro saxiixyada uu ka doonayo suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Arsenal ayaa u diyaar garoobaysa inay ku dhawaaqdo saxiixa daafaca kooxda Chelsea ee Gary Cahill kaas oo boos joogto ah ka waayay kooxda tababare Sarri.

Image result for Gary Cahill Arsenal

Sida ay sheegayaan warar aad loogu kalsoonaan karo, Arsenal ayaa aad ugu dhaw inay amaah 6-bilood ah ku qaadato 33 jirkaan reer ingiriis.

Chelsea diyaar ayeey u tahay inay amaah ku siiso Gary Cahill kooxdii bixinaysa mushaarkiisa oo dhamaystiran isla markaana miiska saaraysa lacag dhan 4 milyan oo Ginni.

Gary Cahill ayaa isbuucii mushaar uga qaata Blues 110 kun oo Ginni, Arsenal ayaana aqbalsan inay wada bixiso mushaarkiisa inta ka harsan xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close