Unai Emery oo talooyin muhiim ah u jeediyay ciyaartoyda Arsenal si ay kaga badiyaan kooxda Liverpool

(Arsenal) 29 Dis 2018. Macalinka kooxda Arsenal Unai Emery ayaa ka codsaday ciyaartoyda kooxdiisa inay is dajiyaan isla markaana ay diirada saaraan kulanka ay la ciyaari doonaan Liverpool.

Kooxda Arsenal ayaa habeen dambe ku booqan doonta dhigeeda Liverpool garoonka Anfield, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 20-aad ee horyaalka Premier League.

Hadaba macalinka reer Spain ee Unai Emery ayaa ugu baaqay xidigihiisa inay daganaan muujiyaan kulankan wuxuuna yiri:

“Waxaan u baahanahay in ciyaartoyda ay diirada saaraan daganaanta, sidaas darteed waxay muhiim u tahay inay naga caawiso sida aan kaga gudbi lahayn kulanka adag ee Liverpool, kadibna Fulham”.

Waxaa jira wadahadalo u dhexeeya Arsenal iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Weles ee Aaron Ramsey si uu u cusbooneysiiyo heshiiska uu ku joogo Emirates Stadium,

Laakiin wararku waxay cadeynayaan inuu ku dhow yahay inuu heshiis la gaaro kooxda reer Talyaani ee Juventus, Unai Emery ayaana ka hadlay fikirkiisa kaga aadan arinka Ramsey.

“Ma ahan inaan ka walwalo heshiiskiisa, waan la hadlay isaga, wuxuu u ciyaaray si fiican kulankii ugu dambeeyay, si fiican ayuuna inoo caawiyay, shaqo fiican ayuu qabanayaa, waana ku faraxsanahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close