Suarez, Griezmann iyo Xarfaan kale oo badan oo ka qeyb galay AROOSKA Kabtanka Atletico Madrid Godin iyo Laacibka oo Hadiyadaha Arooskiisa oo Idil ku bixiyay……+SAWIRRO

(Uruguay) 28 Dis 2018. Kabtanka xulka Uruguay iyo kooxda Atletico Madrid  Diego Godin ayaa arbacadii la aqal galay Sofia Herrera oo ay waqti dheer wada socdeen.

Xiddigo badan oo kala tirsan xulkiisa Uruguay kuwa hadda iyo kuwii hore iyo waliba sidoo kale saaxiibadiisa kooxda Atletico ayaa ka soo qeyb galay xafladda arooska oo ka dhacday Montevideo, ee dalkiisa Uruguay.

Godin ayaa la aqal galay Sofia oo 25-jir ah isla markaana ah ardayd barata sida guryaha loo qurxiyo, waxaana dhalay Pepe Herrera oo ahaa laacib ka tirsanaa naadiga Penarol  ee ka dhisan dalkaasi Uruguay.

Warsidaha Marca ayaa warinaya in lamaanayaasha is calmaday ay go’aansadeen in hadiyadihii loo keenay arooskooda oo idil ay ku bixiyaan samafal.

Waxay ugu deeqeen Isbitalka lagu magacaabo Pereira Rosse ee ku yaala Montevideo , si loogu caawiyo caruurta dhiciska ku dhasha.

Arooska waxaa goobjoogayaal ka ahaa xiddigo ka tirsanaa xulka Uruguay 2010, 2014 iyo 2018, waxaana ka mid ahaa magacyada la sheegay Walter Gargano, Diego Forland, Nicolas Lodeiro, Sebastian Abreu, Diego Lugano iyo Egidio Arevalo Rios.

Sidoo kale waxaa xaadir ahaa saxiibadiisa kooxda Atletico Madrid sida Antoine Griezmann, Koke, Juanfran, Jose Maria Gimenez iyo Santiago Arias.

SAWIRRO:

Uruguay players past and present with their partners: (from left to right) Walter Gargano, Diego Forlan, Nicolas Lodeiro, Luis Suarez, Sebastian Abreu, Diego Lugano and Egidio Arevalo Rios

The Uruguay alumni were celebrating the wedding of compatriot Diego Godin this week

The Atletico Madrid defender married his long-term girlfriend Sofia in South America

Luis Suarez and former team-mate Sebastian Abreu dress up with their partners

Barcelona star Suarez and his wife Sofia Balbi pose for a picture at the ceremony

Antoine Griezmann jetted over to Uruguay to help his club-mate celebrate the occasion

He also uploaded a snap to his Instagram account of himself with Godin and his bride

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close