Maurizio Sarri oo difaacay Kalidou Koulibaly, isagoo si weyn u dhaleeceeyay falalka cunsirinimo ee ka jira gudaha Talyaaniga

(Italy) 29 Dis 2018.Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay in mas’uuliyiinta Talyaaniga ay u baahan yihiin in ay inbadan la dagaalamaan falalka cunsirinimo ee gudaha garoomada kubada cagta.

Sidoo kale Maurizio Sarri ayaa sheegay in difaaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly uu yahay ciyaaryahan aad u wanaagsan.

Daafaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly ayaa dhoowr jeer ee isbuucaan ah la kulmay falal cunsirinimo ah, gaar ahaan jamaahiirta kooxda Inter Milan Arbacadii lasoo dhaafay, kahor inta aanan la ceyrinin dhamaadka ciyaarta, sababa la xiriira inuu qaatay kaarka labaad ee digniinta.

Maurizio Sarri oo arintan wax laga weydiiyay ayaa yiri:

“Qof walba waa ogyahay  inay jiraan dhibaatooyin ku aadan kubada cagta dalka Talyaaniga, gaar ahaan marka ay arinta la xiriirto Napoli”.

“Aad ayaan uga xumahay wixii ku dhacay Kalidou Koulibaly, sababtoo ah waa ciyaaryahan aad u fiican, waana xirfadle caalami ah, runtii waan ka xumahay isaga”.

“Laakiin dhanka kale, waxaan u maleenayaa in Talyaaniga ay sameyn karaan wax badan si ay u daweeyaan dhibaatada jirta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close