“Liverpool waxay diyaar u tahay inay ku guuleysato koobab, sababa la xiriira Klopp” – Dejan Lovren

(Liverpool) 29 Dis 2018. Difaaca kooxda Liverpool Dejan Lovren ayaa xaqiijiyay in tababare Jürgen Klopp uu ku guuleystay inuu dhiso koox leh tayo ay ugu guuleysan karto dhamaan tartamada kala duwan.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkan kaga bilaabatay si cajiib ah, waxayna ku guuleysatay in ay ilaa iyo haatan hogaanka u qabto horyaalka Premier League.

Dejan Lovren oo ka hadlayay tayada kooxdiisa Liverpool ayaa wuxuu yiri:

“Jürgen Klopp wuxuu dhisay koox cajiib ah, haatan waxaanahay kuwo dhameystiran”.

“Haatan wax walba anaga ayay nagu xiran yihiin, waa inaan wax ka baranaa xili ciyaareedyadii lasoo dhaafay”.

Si kastaba Liverpool ayaa isku diyaarineysa kulanka adag ay bari oo Sabtida kula ciyaari doonto kooxda Arsenal, kaasoo ka tirsan kulamada 20-aad ee horyaalka Premier League.

“Kama hadli karno wax dhici doona mudo shan ama lix bilood ah, kulan kasta waxaan u ciyaareynaa si gooni ah, way fiican tahay in la maqlo erayada wanaagsan, balse kaliya waxaan u baahanahay inaan guuleysano”.

Liverpool ayaa hogaanka u heysa horyaalka Premier League iyadoo leh 51 dhibcood, halka Arsenal ay fadhido booska kaalinta 5-aad ee dhanka kala sareynta, waxayna leedahay 38 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close