Kahor kulanka Bournemouth, tababare Solskjær oo si weyn u amaanay Paul Pogba 

(Manchester) 29 Dis 2018.Tababaraha ku meel gaarka ah ee kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjær ayaa amaanay xidigiisa khadka dhexe dhexe Paul Pogba.

Laacibkii hore kooxda Juventus ayaa wuxuu bandhig cajiib ah ka sameeyay labadii kulan uu kooxda soo maamulay tababaraha ku meel gaarka ah ee Ole Gunnar Solskjær.

Paul Pogba ayaa labadii kulan uu ka hor yimid kooxaha Cardiff City iyo Huddersfield Town wuxuu dhaliyay 2 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 2 gool kale.

45 jirkan oo la hadlayay saxaafada ayaa kahor kulanka Bournemouth wuxuu la hadlay wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Paul uu yahay ciyaaryahan heer sare ah, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, waa ciyaaryahan weyn”.

“Wuxuu la mid ahaa sida ciyaartoyda inteeda kale, dabeecaddana waxay ahayd mid cajiib ah”.

“Wuxuu bixiyay qaab ciyaareedka ugu sareeya, xaqiiq waxaan dooneynaa inaan dhisno koox ku hareereysan isaga, laakiin waxaa jira ciyaartoy badan ee leh tayo heer sare ah ee qeyb ka ah shaxda kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close