Kabtanka Inter Milan Icardi oo u Hiiliyay Daafaca Madowga ah oo ay sida xun ula dhaqmeen Taageerayaasha Kooxdiisa

(Milano) 28 Dis 2018. Kabtanka Inter Milan Mauro Icardi ayaa garab istaagay daafaca Madowga ah ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly kaddib markii ay si xun u Cunsuriyeeyeen taageerayaasha kooxdiisa ciyaartii ay Inter goolka madiga ah ku adkaatay arbacadii.

Taageerayaasha kooxda ka arrimisa San Siro ayaa Daanyeer ku caynayay Koulibaly oo isagu kaarka casaanka ah qaatay ciyaarta kaddib markii loo taagay labo jaale.

Cristiano Ronaldo ayaa durba ka fal celiyay arrinkaan isagoona baraha bulshada ku soo taageeray daafaca Napoli.

Iminkana Kabtanka Inter Milan Mauro Icardi ayaa markiisa u hiiliyay Koulibaly:


“Waan ka niyad jabsanahay wixii shalay ka dhacay San Siro,” Dhaliyaha reer Argentina ayaa sidaa ku soo yiri bartiisa Instagram.

“Aan iska diidno Cunsuriyada iyo Midab kala sooca.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close