ARAG: Safafka ay Berito ku soo gali karaan Liverpool vs Arsenal…..(Kulan la wada sugayo)

(England) 28 Dis 2018. Liverpool oo maanka ku heysa sidii ay muddo dheer kaddib ugu guuleysan lahayd horyaalka Ingiriiska ayaa beri marti galin doonta kooxda Arsenal oo iyana baadi goob ugu jirta guul maadaama ay hal kulan oo qura adkaatay afartii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada.

Reds ayaa lagu wadaa inay badesho shaxdii dhaweyd ay kaga adkaatay Newcastle United ee 4-2-3-1, iyadoo ciyaareysa saddex laacib oo qadka dhexe ah si ay daafaceeda ugu xoojiso.

Taa ayaa ka dhignaan doonta in keydka lagu soo bilaabi doono Xherdan Shaqiri halka uu dhaawac ku maqan yahay James Milner.

Gunners oo iyadu heysato mashaqo dhaawac ayaa waxaa safkeeda ka maqan lix laacib, Emery ayaana looga fadhiyaa sidii uu xal ugu heli lahaa daaficiisa.

Ozil oo isagu durba la badelay markii la maray qeybta hore ee ciyaartii ugu dambeysay ayaa loo badinayaa in keydka lagu soo bilaabi doono.

Haddaba EEG SAFAFKA ay ku soo gali karaan Liverpool iyo Arsenal:

LIVERPOOL:

Liverpool team news predicted line up Arsenal

ARSENAL:

Arsenal team news predicted line up Liverpool`

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close