“Waan ku FARAXSANAHAY in kooxdeydii hore ee Liverpool ay qabato hogaanka Horyaalka, waayo haddii kale….”.- Raheem Sterling

(England) 26 Dis 2018. Weeraryahanka ay ku tashato Manchester City ee Raheem Sterling ayaa ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay inay hogaanka horyaalka Premier League qabato kooxdiisii hore ee Liverpool waayo haddii kale horyaalka mid xiiso aan lahayn ayuu noqonayaa haddii ay City iska sii heyso hogaanka sida uu qabo wiilka reer England.

Kooxda Pep Guardiola ayaa afar dhibcood ka dambeysa Reds kaddib guul daradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaartay kooxda Crystal Palace.

“Waa koox wayn oo leh ciyaartoy waa wayn, ma ahan oo kaliya weeraryahanadeeda ee sidoo kale daafaca way ka adag yihiin,” Sterling ayaa sidaa u sheegay Sport360.

Related image

“Sumcad ayay u tahay iyaga wixii ay sameeyeen kal ciyaareedkan waxayna xitaa midaa sii qurxineysaa horyaalka.

“Waxaan heysanaa tartamayaashaan xoogan sida Liverpool io Chelsea haddii ay iyagu nala tartami lahayn horyaalka wuxuu noqon lahaa mid aan nah lahayn oo xiiso daran.”.

Raheem Sterling ayaana qeyb ka ahaa kooxdaasi oo waliba dowr muhiim ah ka ciyaaray balse nasiib darro kulamadii ugu dambeeyay ayay bariiqdeen oo waana laga qaaday horyaalka.
Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close