Real Madrid oo maalmaha soo socda dhamaystiraysa saxiixa xiddig ka tirsan Man City

(Madrid) 26 Dis 2018 Real Madrid ayaa maalmaha soo socda u diyaar garoobaysa dhamaystirka saxiixa laacib ka tirsan Manchester City.

Shabakada Defence Central ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay dhamaystirtay saxiixa Brahim Diaz kaas oo ku biiraya kooxda reer Spain bilowga sanadka cusub.

Kadib wadahadalo qaatay dhawr isbuuc ayeey Real Madrid miiska u saartay Manchester City adduun dhan 15 milyan oo euro si ay u hesho Brahim Diaz.

City ayaa ku adkaysanaysay in la siiyo 20 milyan oo euro balse ugu danbayntii waxaa la isku afgartay in kooxda reer ingiriis ay ka tanaasusho 5 milyan.

19 jirkaan ayaa si toos ah uga mid noqonaya xiddigaha safka hore ee Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close