Radja Nainggolan oo ku fikiraya inuu dib ugu laabto AS Roma

(Roma) 26 Dis 2018 Xiddiga reer Belgium ee Radja Nainggolan ayaa ku fikiraya inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee AS Roma.

Radja Nainggolan ayaa ka soo dhaqaaqay suuqii xaggaaga kooxda Roma, wuxuuna ku biiray kooxda Inter Milan ee uu hogaamiyo tababare Spalletti.

30 jirkaan ayaa ganaax kala kulmay tababare Spalletti kadib markii uu soo kala dhex galay is fahan waa, xiriirka labada nin ayaana sii xumaaday.

CalcioMercato ayaa daaha ka qaaday in Radja Nainggolan uu haatan ku fikirayo qaabkii ay u suurogali lahayd inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Roma.

Nainggolan ayaa ka faa’idaysanaya xiriirka kala dhexeeya Totti si uu ugu qanciyo maamulka Roma in loo ogolaado inuu dib u xirto maaliyada kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close