Qodob la yaab leh oo lagu arkay heshiiska Neymar uu ku la jiro PSG

(Paris) 26 Dis 2018 Heshiiskii 2017 uu Neymar ugu biiray kooxda PSG ayaa lagu arkay qodob la yaab leh oo rajo galiyay kooxo badan.

Wargayska Bild Sport ayaa baahiyay in heshiiskii Neymar uu ugu wareegay PSG uu ku jiro qodob dhigaya in laacibku uu ka tagi karo kooxda xaggaaga 2020.

Heshiiskaan oo ah mid sir ah ayaa la ogaaday in Neymar iyo PSG ay isku afgarteen in laacibku uu u dhaqaaqi karo kooxdii uu doono isla markaana bixin karta lacag dhan 160 milyan oo euro.

Arinkaan ayaa imaanaya xili maalmihii u danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in Neymar uu aad ugu hamuun qabo inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close