Liverpool ayaa ku guulaysanaysa Premier League xiliciyaareed kaan (Dib u EEG taariikhda!!)

(Liverpool) 26 Dis 2018 Liverpool ayaa caawa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Newcastle United, waxayna ugu awood sheegatay 4-0.

Kooxda tababare Klopp ayaa qaybtii hore ee horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kaan sidaas ku soo afjartay, iyaga oo shaqaystay dhibco dhan 51-dhibic.

Liverpool ayaa noqotay kooxdii 3-aad ee 19-kulan kadib gaarta 50-dhibic iyo wax ka badan, 2-dii koox ee tilaabadaas uga horeeyay dhamaan waa ay ku wada guulaysteen horyaalka ingiriiska.

2005-2006: Chelsea ayaa shaqaysatay 50-dhibic iyo ka badan 19-kulan kadib, Blues ayaana ku guulaysatay Premier League xiliciyaareed kaas.

2017-2018: Manchester City ayaa gaartay 50-dhibic iyo ka badan 19-kulan kadib, iyaga ayaana qaaday horyaalka.

2018-2019: Liverpool ayaa gaartay 51-dhibic 19-kulan kadib, taariikhda ayaana sheegaysa in xiliciyaareed kaan ay hanan doonto Premier League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close