Juventus oo soo diiday dalab wayn oo uga yimid Manchester United (Yaa laga gudbiyay?)

(Turin) 26 Dis 2018 Kooxda Juventus ayaa soo diiday dalab wayn oo uga yimid dhigeeda Manchester United maalma uun ka hor bilaabashada suuqa Janaayo.

Mirror ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay hordhigtay Juventus lacag dhan 60 milyan oo Ginni si ay u hesho Douglas Costa.

Laakiin Juventus ayaa diidmo uga soo jawaabtay dalabka lama filaanka ah ee uga yimid dhanka kooxda reer Ingiriis.

Tababare Solskjaer ayaa aqbalay in Douglas Costa uu ku soo biiro Manchester United kadib markii maamulku uu go’aansaday in tababaraha cusub lala garab istaago xiddigaha uu u baahan yahay.

Saxiixyada United ay samaynayso suuqa Janaayo ayaa u badan doona amaah sida ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo kooxda gudaheeda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close