Ilaalada Old Trafford oo Baaritaan ugu dhaqaaqay Halyeyga Manchester United Wayne Rooney kaddib….

(Manchester) 26 Dis 2018. Halyeyga Manchester United Wayne Rooney ayaa u soo daawasho tagay ciyaartii dhawaan ay Manchester United ka adkaatay kooxda Huddersfield.

Inta aysan bilaaban ciyaarta ilaalada garoonka Old Trafford ayaa la arkayay iyagoo baaraya laacibka ugu goolasha badan taariikhda kooxda Manchester United.

33-jirka ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay macalinka sida ku meel gaarka ah u haya kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer kaa oo kulankiisii labaad adkaaday.

Markii la magacaabay ayuu sheegay inuu durba fariin u soo diray isla markaana uu aaminsan yahay inuu wax ka badeli doono kooxda isagoona sidoo kale tilmaamay in qudhiisa uu doonayo inuu mar macalin u noqdo kooxda Man United.

EEG: Ilaalada Old Trafford oo baaraya Rooney:

Image may contain: 4 people, people standing

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close