HORDHAC: Watford v Cheslea

( Premier League ) 26 Dis 2018. Chelsea ayaa marti u ah dhigeeda Watford kulamada Boxing Day ee Bartamada Todobaadkan cayaaraha Premier League.

Blues ayaa qasaartay dheeshii u dambeysay markii garoonkooda y guuldarro ku biday kooxda Liecester City waxayna haatan u jiraan hogaanka 11-dhibcood iyagoo ku jira kaalinta afaraad.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 10:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Martin Atkinson

Garoonka: Vicarage Road

Wararka Kooxaha

Macalinka Watford Javi Gracia ayaa qabin dhaawacyo uu ka walaacsan yahay kulanka ay maalmaha feerka soo booqaneyso Chelsea.

Afar dhawacyada afar cayaariyahan oo kala ah Will Hughes, Andre Gray, Sebastian Prodl iyo Adalberto Penaranda ayaa weli ku maqan kabasho.

Weeraryahanaka Chelsea Alvaro Morata ayaa si buuxda ugu soo laabtay tababarka kaddib dhaawac jilibka uu qabay iyadoo leyliyaha Blues Maurizio Sarri uu kalsooni ku qabo inuu noqon doona mid wajaha kooxda Hornets.

Daafaca Andreas Christensen ayaa waxa ku jira shaki sababtoo ah wuxuu qabaa dhaawac muruqa ah.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Watford’ ayaa guul 4-1 gaartay kulankii u dambeyay ee kooxahan tasoo soo afjartay 13-kullan xariira oo aysan guul ka gaarin Chelsea dhammaan tartamada (3 bar-baro, iyo 10 qasaaro).

Naadiga lagu naaneyso The Hornets ayaa ka guuleysan kulamo isku xigta Chelsea tan iyo bishii April 1987.

Afartii dheel ee u dambeysay oo ay ku kulmaan kooxahan Premier League waxay iska dhaliyeen 21-gool.

Guul ay gaarto Watford ayaa laga yaabi karaa iney adkaadan kulankii seddaxaad oo xariira Premier League markii labaad xagaagan.

Haddii ay badiyeen dheeshan waxay heli doonan 30-dhicbood kaddib 19-kullan oo horyaalka sare ah markii u horreysay tan iyo 1982-83.

Chelsea ayaa qasaartay seddax kamida lixdii kulan ee u dambeysay oo ay cayaartay Premier League, waxaana kamida labadoodii dheel ee u dmabeysay seddaxdii kulan ay banaanka ku cayaareen.

Waxaa laga yaab in ay ku fashilmaan iney gool dhalin wayaan kulamo xariira markii u horreysay tan iyo April 2016 xilligaa uu kooxda si kumeel gaara ku maamulayay Guus Hiddink.

The Blues waa guuldarro la’aan 13-koodii kullan ee u dambeysay Premier League oo ay dheeshay Boxing Day, siddeed guul iyo shan bar-baro.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close