Brighton oo Guul u diiday Arsenal kaddib markii….+SAWIRRO

( Premier League ) 26 Dis 2018. Arsenal ayay u suuragali weysay iney dhaafto kooxda Brighton markii kulankooda uu ku dhammaaday 1-1.

Cayaarta ayaa qeybta hore dheesha ayay dhasheen goolasha, waxaana hogaanka qabatay Arsenal markii uu goolka gaaray xiddiga Aubameyang markii kullanki socday 7-daqiiqo qura.

Laakiin dheesha oo socota saacad barkeed kooxda Brighton ayaa la timid goolka bareejada waxaana u dhaliyay laacibka Jurgen Locadia.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad labada dhinac ayaa sameeyay isku dayo goolkaa laakiin ma suuragalin in goolal kale ay dhashaan.

Naadiga Arsenal ayaa inta badan cayaarta heysay maamulkeeda waxayna ugu dambeyn kullanka kusoo idlaaday 1-1.

Bar-barhaan ayaa Arsenal ka dhigan iney soo galaan booska afaraad iyagoo leh 38-dhibcood laakiin waxaa la sugi doonaa natiijada Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close