Barcelona oo la ogaaday inay tahay kooxda ugu dhaw saxiixa Harry Kane

(Barcelona) 26 Dis 2018 Barcelona ayaa la sheegay inay tahay kooxda ugu dhaw dhamaystirka saxiixa weerar yahanka Tottenham ee Harry Kane.

Warbaahinta ingiriiska ayaa qiyaasay in xiliciyaareed kaan uu yahay kii ugu danbeeyay ee Harry Kane uu ku qaadanayo kooxda Tottenham.

Image result for Harry Kane Barcelona

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay tahay kooxda ugu dhaw dhamaystirka saxiixa Harry Kane ee dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Harry Kane ayaa lala xiriiriyay kooxaha Manchester United iyo Real Madrid, balse Barcelona oo raadinaysa badalka Suarez ayaa haatan ku dhaw saxiixiisa.

Waxaa xusid mudan in Tottenham aysan ku iibinayn Harry Kane wax ka yar 200 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close