Atletico Madrid oo codsi ku aadan Lucas Hernandez u dirtay Bayern Munich (Maxaa dhacay?)

(Madrid) 26 Dis 2018 Maamulka Atletico Madrid ayaa go’aansaday inay si hoose ula heshiiyaan kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich.

Sida ay baahisay Marca, Atletico Madrid ayaa ku guul daraysatay in Lucas Hernandez ay ku qanciso inuu iska diido ku biirida Bayern Munich.

Image result for lucas hernandez bayern munich

22 jirka reer France ayaa go’aansaday inuu ka tago Atletico Madrid oo uu ku biiro suuqa Janaayo kooxda reer Jarmal ee Bayern.

Balse Atletico ayaa ka codsatay Bayern Munich inay dib u dhigto saxiixa Lucas Hernandez ilaa laga gaarayo dhamaadka xiliciyaareed kaan si kooxdu ay fursad ugu hesho raadinta badalkiisa.

Bayern Munich ayeey u badan tahay inay aqbali doonto codsiga Atletico Madrid si uu u sii jiro xiriirka fiican ee u dhexeeya labada kooxood.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close