Anthony Martial oo sabab la yaab leh ku seegaya kulanka galabta ee Huddersfield Town!!

(Manchester) 26 Dis 2018 Anthony Martial ayaa laga dhex waayay safka kooxda Manchester United ee galabta la ciyaaraya Huddersfield Town.

Tababaraha cusub ee Manchester United ayaa xaqiijiyay in laacibka reer France uu ku xanuunsaday intii uu u dabaal dagayay ciida gaalada.

Solskjaer oo wax laga waydiiyay maqnaashaha Martial ayaa yiri:

“Waxay u muuqataa inuu ku soo aaday badar kariye xun waqtigii dabaal daga ciida gaalada, ma hubo inuu ku sumoobay cuntadii uu cunay”.

“Laakiin wuxuu xanuunsaday intii uu ku guda jiray u dabaal daga ciida gaalada”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close