Xiddigaha Manchester United oo durba iska hilmaamay wixii ay isla soo mareen Jose Mourinho!!

(Manchester) 25 Dis 2018 Sida uu xaqiijiyay tababare Solskjaer, xiddigaha Manchester United ayaa iska hilmaamay wixii ay isla soo mareen Jose Mourinho.

Isbuucii hore ayeey Manchester United ku dhawaaqday inay iska cayrisay tababare Jose Mourinho, waxaana si ku meel gaar ah kooxda u sii laylin doona Solskjaer.

Tababaraha cusub ee United ayaa saxaafada u sheegay in xiddigaha kooxdu aysan la wadaagin wax macluumaad ah oo ku saabsan tababarehoodii hore ee Jose Mourinho.

“Ciyaartoyda waxba iigama sheegin waqtigoodii Mourinho” ayuu yiri tababaraha cusub ee Manchester United.

“Laakiin kulankeena waxaan uga wadahadalnay in marka aan dhalino goolka koowaad aan raadino goolka labaad, marka aan dhalino midka labaad inaan raadino kan 3-aad”.

“Waxaan rabaa inaan dhanka weerarka u furo xiddigaha Manchester United si ay u dhaliyaan goolal badan”.

“Wax walba uma socon doonaan si lamid ah kulankii Cardiff City, balse waa inaan isku daynaa inaan abuurno fursado oo aan dhalino goolal”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close