Real Madrid oo labo laacib siinaysa Chelsea si ay uga hesho Eden Hazard

(Madrid) 25 Dis 2018 Real Madrid ayaa ka fiirsanaysa inay dalab cajiib ah hordhigto Chelsea si ay u hesho laacibka reer Belgium ee Eden Hazard.

Kooxda reer Spain ayaa u aragta Eden Hazard laacib buuxin kara booskii uu baneeyay Cristiano Ronaldo oo ku biiray Juventus xaggaagii hore.

Image result for kovacic isco

Idaacada Onda Cero ayaa baahisay in Real Madrid ay diyaar u tahay inay ku wareejiso Chelsea xiddigaheeda kala ah Isco iyo Kovacic si ay u hesho Eden Hazard.

Chelsea waxay doonaysaa inay sii haysato Mateo Kovacic oo haatan amaah kula jooga, Real Madrid ayaana u aragta fursad fiican oo ay ku heli karto Eden Hazard haddii ay heshiiska ku darto Isco.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close