Michael Essien oo ka cabsi qaba in daafac ka tirsan Chelsea uu u dhaqaaqo Barcelona

(London) 25 Dis 2018 Halyeeyga kooxda Chelsea ee Michael Essien ayaa cabsi ka muujiyay in daafac ka tirsan kooxda uu u dhaqaaqo Barcelona.

Essien ayaa rumaysan in Andreas Christensen uu raadsan karo koox kale oo uu ku biiro maadaama tababare Sarri uu siinwaayay fursad uu ku ciyaaro.

22 jirkaan wuxuu boos joogto ah ka haystay kooxda waqtigii tababare Antonio Conte, laakiin tababare Sarri ayaa wuxuu u arkay mid aan muhiim u ahayn kooxda.

Image result for ‫أندرياس كريستنسن‬‎

Barcelona ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay ku heli lahayd Andreas Christensen, waana sababta keentay cabsida Essien.

“Laacib walba wuxuu doonayaa inuu u ciyaaro Chelsea, Blues ma ahan meel sahlan, tartankuna waa mid aad u culus” ayuu yiri Essien.

“Dhamaan ciyaartoydu waa ay shaqaynayaan laakiin ugu danbayntii qofka wax go’aansanaya waa tababaraha”.

“Marka aadan ciyaarayn waxaad u baahan tahay inaad raadsato koox kale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close