“Kooxaha naga soo horjeeda waxay sugayaan guuldaradeena” – mid ka mid ah xidigaha kooxda Juventus

(JUventus) 25 Dis 2018.Leonardo Bonucci ayaa xaqiijiyay in guushii ay ka gaareen kooxda Roma ay tahay talaabo muhiim ah ee ku aadan wadadii ay Bianconeri ugu guuleysan lahayd horyaalka.

Difaaca Juventus ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada rasmiga ah ee kooxda ayaa wuxuu ku sheegay:

“Guusha waxay muhiim u tahay qaabka aan ugu tartami lahayn ku guuleysiga horyaalka, kooxaha naga soo horjeeda waxay sugayaan guuldaradeena”.

“Waa inaan aaminaa nafteena in badan, waa inaan ciyaar kasta u ciyaarnaa sida kulan final oo kale ah”.

Si kastaba Juventus ayaa ku hogaamineysa horyaalka Serie A 49 dhibcood, waxayna 8 dhibcood ka sareysaa kooxda ku soo xigta ee Napoli.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close