Klopp oo looga digay inuu ku dag dago saxiixa Jadon Sancho

(Liverpool) 25 Dis 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa looga digay inuu ku dag dago saxiixa da’yarka reer Ingiriis ee Jadon Sancho.

18 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya horyaalka jarmalka gaar ahaan kooxdiisa Borussia Dortmund.

Paul Ince oo horay u soo maray Liverpool ayaa u sheegay tababare Klopp inuu is dajiyo isla markaana uu sugo Jadon Sancho inta uu ka gaarayo 20 jir.

Image result for Sancho Klopp

“Sancho wali waa 18 jir, mana ahan xiddigaha da’daas jira inaan ka dhigno kuwo ka fiican sida ay yihiin waayo wali waa ay da’yar yihiin waqti dheer ayaana hortooda ah” ayuu yiri Paul Ince.

“Haddii aan nahay Ingiriis waxaan kor u qaadnaa xiddigaha da’yarta ah, kadibna hoos ayaan u dhignaa waqti kadib”.

“Sancho shaqo fiican ayuu qabanayaa, go’aan geesinimo leh ayuu qaatay markii uu aaday Jarmalka, wuxuu u baahan yahay inuu ciyaaro ilaa uu ka gaaro 19 ilaa 20 jir markaas Liverpool waa ay la soo wareegi kartaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close