Juventus oo dadajinaysa bisha Janaayo saxiixa Xiddig ka tirsan Real Madrid! (Ma ahan Marcelo)

(Turin) 25 Dis 2018 Juventus ayaa dadajinaysa suuqa bisha Janaayo saxiixa mid kamid ah xiddigaha kooxda Real Madrid.

Sida ay baahisay TuttoSport, Juventus ayaa doonaysa inay ka faa’idaysato xaalada xun ee Isco ku haysata Real Madrid inta uu furan yahay suuqa Janaayo.

Kooxda reer talyaani ayaa dhawr jeer ku guul daraysatay saxiixa Isco, balse markaan waxay dareemayaan inay haystaan fursad aad u fudud.

Juventus ayaa u aragta saxiixa Isco mid uga fudud saxiixa Paul Pogba kaas oo ay u badan tahay inuu sii joogi doono United kadib cayrintii Jose Mourinho.

Isco ayaan la dhacsanayn xaaladiisa haatan ee Real Madrid, wuxuuna doonayaa inuu helo koox kale oo uu ku biiro bisha Janaayo ama suuqa dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close