Cristiano Ronaldo oo keydka la dhigi doono kulanka barri galab ee Atalanta

(Turin) 25 Dis 2018 Tababaraha kooxda Juventus ee Allegri ayaa xaqiijiyay inuu keydka dhigi doono Cristiano Ronaldo kulanka barri galab.

Juventus ayaa barri galab u martin doonta kooxda Atalanta kadib guushii ay ka gaartay sabtigii kooxda Roma.

Image result for allegri ronaldo

Allegri ayaa xaqiijiyay in markii ugu horaysay ay isaga iyo Ronaldo barri galab ciyaarta ka wada daawan doonaan kursiga keydka.

“Markii ugu horaysay aniga iyo Ronaldo kursiga keydka ayaan ka wada daawan doonaa kulanka, waanse ku faraxsanahay waxa uu samaynayo” ayuu yiri tababare Allegri.

Ronaldo ayaa ku soo bilaabanayay dhamaan kulamada Juventus tan iyo markii uu ku soo biiray horaantii xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close