Cristiano Ronaldo oo isku dayay inuu DAYMO/EEGMO ku qal-qal galiyo Garsooraha….(Bal DAAWO wixii uu sameeyay kulankii Juventus iyo Roma)

(Italy) 25 Dis 2018. Cristiano Ronaldo ayaa isku dayay inuu Daymo/Eegmo ku qal-qal galiyo ama cadaadis ku saaro garsoorihii dhex dhexaadinayay ciyaartii dhaweyd ay Juventus goolka madiga ah uga adkaatay kooxda AS Roma kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A.

Juve ayaa mooday inay heshay gool labaad kaddib markii uu kubbada shabaqa dhex dhigay wiilka reer Brazil ee Douglas Costa balse garsooraha ciyaarta ayaa markii dambe diiday kaddib markii uu soo eegay Muuqaalka VAR ee caawiyaha garsooraha.

Intii uu Garsooraha eegayay Muuqaalka VAR, Ronaldo ayaa ka soo daba qaatay oo soo istaagay diilinta garoonka isagoona si aad ah u eegayay Garsooraha, balse ugu dambeyn goolkii waa la diiday.

DAAWO sida uu Ronaldo Deymada Cadaadis ugu saaray Garsooraha Ciyaarta:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close