Arsenal oo diyaarisay dalab ay ka gudbinayso laacib ka tirsan Real Madrid

(London) 25 Dis 2018 Arsenal ayaa diirada saaratay goolhayaha kooxda Real Madrid ee Keylor Navas kaas oo aan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa.

Mustaqbalka Keylor Navas ee Real Madrid ayaa shaki wayn la galiyay kadib markii kooxdu ay la soo wareegtay goolhayaha reer Belgium ee Thibaut Courtois.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Arsenal ay diyaarinayso dalab ay ka gudbiso suuqa Janaayo goolhaye Keylor Navas.

Arsenal ayaa qorshaysay inay hordhigto Real Madrid lacag dhan 12 milyan oo euro si ay ugu qanciso kooxda reer Spain iibkiisa.

Unai Emery ayaa doonaya inuu xoojiyo loolanka goolhayeyaasha kooxdiisa maadaama uu haatan haysto Leno iyo Cech oo da’ahaan sii duqoobaya.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close