Jürgen Klopp oo ka hadlay sida uu adag yahay loolanka horyaalka Premier League

( Premier League) 24 Dis 2018. Macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa kasoo muuqday shir jaraa;id kahor kulankooda 19-aad horyaalka Premier League ay habeenka arbacada kula ciyaari doonaan Newcastle United garoonka Anfield.

Macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp ayaa wuxuu ka hadlay dhowr arimood ku saabsan kooxdiisa Liverpool, kahor kulanka soo aadan ee Newcastle United iyo loolanka adag ee horyaalka Premier League.

“Tottenham Hotspur waxay dib ugu soo laabatay loolanka horyaalka Premier League, ma jirto koox ka baxsan tartanka, waxaan aaminsanahay inaysan jirin koox iska dhiibtay tartanka”.

“Xili ciyaareedka wali waa mid aad u fog, waxaan dooneynaa inaan careysnaano isla markaana aan haraadno, si aan meel fiican u gaarno”.

“Dib ugu soo laabashada Rafael Benítez ee garoonka Anfield waa arin aad u fiican, sidoo kale waa macalin aad u wanaagsan, taasi waxaa kuu xaqiijieysa inasyan wali ilaabin jamaahiirta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close