“Waxaan wada xiriirnaa Neymar Jr, balse ma jiraan waxaan shaaca ka qaadayo” – Mid ka mid ah xidigaha Real Madrid

(Real Madrid) 23 Dis 2018. Laacibka da’ada yar reer Brazil iyo kooxda Real Madrid Rodrygo ayaa ka hadlay xiriirka uu la leeyahay xidiga Paris Saint-Germain ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Neymar Jr.

Laacibkan ay milkiyadiisu leedahay Real Madrid balse qaab amaah ah ku joogo kooxda Santos ee dalka Brazil ayaa iska diiday in lala bar-bardhigo Neymar Jr, isagoo sheegay inaysan cadaalad aahayn.

“Neymar waa Neymar, sidoo kale Rodrygo waa Rodrygo, ma jirto wax isbar-bardhig ah, Neymar waa 26 jir ugu yaraan wuxuu ku guuleystay wax walba, sida Ciyaaraha Olympic-kada, tartanka Champions League, sidoo kale wuxuu ka ciyaaray koobka aduunka”.

“Anigu waxaan ku jiraa sanadka ugu horeeyay ee xirfadeyda kubada cagta, waa cadaalad daro, sababtoo ah waa mid ka mid ciyaartoyda aan ku ciyaaro ciyaaraha Game-ka, sidaas darteed ma jirto wax isbar-bardhig ah”.

Si kastaba xidiga ay milkiyadiisa leedahay kooxda Real Madrid ee Rodrygo ayaa wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay Neymar Jr, xaqiiqda ayaa ah in marar badan horey loo arkay in Neymar uu tagto kooxda Santos, waxayna labadan xidig sidoo kale si toos ah ugu wada xiriiraan baraha bulshada gaar ahaa “WhatsApp” inkastoo uu awoodi waayay inuu soo bandhigo waxyaabaha ay ku wada hadleen.

“Waxaan xiriir wanaagsan la leeyahay Neymar Jr, waxaan ku arkaa kooxda Santos marka uu yimaado, sidoo kale waxaan ku sheekeysanaa aalada “WhatsApp-ka”, laakiin wax walba ee ku aadan Neymar waa sir waxba ma sheegi karo”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close