Labo Xiddig oo Muhiim u ah Real Madrid oo is Dagaalay halkii ay u dabaal degi lahaayeen Koobka Kooxaha Adduunka…(Maxay isku qabteen?)

(Europe) 23 Dis 2018. Real Madrid ayaa xalay ku guuleysatay Club World Cup markii saddexaad oo xiriir ah kaddib markii ay guul wayn ka gaartay kooxda carbeed ee Al Ain oo iyadu markii ugu horreysay taariikhda soo gaartay Finalka koobkan.

Yeelkeede markii ay ciyaartu dhammatay oo ay ahayd inay ciyaartoydu dabaal degto ayaa la arkayay iyadoo uu muran xoogan dhex marayo Luka Modric iyo Lucas Vazquez ka hor inta aan kooxda la guddoonsiin koobka.

Lama garanayo waxa uu ku qotomay isqa-qabsiga labada laacib, balse waxay is-dhaafsadeen erayo qariib ah isla markaana uu midba midka kale faraha ku taagayay.

Lucas Vazquez and Modric.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close