Giorgio Chiellini oo digniin culus u diray kooxdiisa Juventus, kadib guushii silica ahayd ay ka gaareen Roma

(Juventus) 23 Dis 2018. Difaaca kooxda Juventus Giorgio Chiellini ayaa ka digay inay la kulmaan guuldaro la mid ah tii xili ciyaareedkan ay kala kulmeen Manchester United tartanka Champions League.

Giorgio Chiellini ayaa wareysi uu bixiyay kadib guushii 1-0 ahayd ay ka gaareen kooxda Roma wuxuu fariin u diray kooxdiisa Juventus.

“Waxaa suuragal ahayd inaan sameyno qaab ciyaareed aad u fiican  qeybta labaad ee ciyaarta, waa inaan fiicnaanaa isla markaana aan noqonaa kuwo in badan wax go’aamin kara”.

“Haddii aan sii wadno inaan u sii ciyaarno habkaan, waxaan halis ugu jirnaa inaan markale la kulano guuldaradii Manchester United oo kale.

Juventus ayaa la xasuustaa inay guuldarada kaliya ee xili ciyaareedkan ay la kulantay ay kasoo gaartay kooxda reer England ee Manchester United, kadib markii loogu awood sheegtay 2-1 kulankii ay ku wada ciyaareen tartanka Champions League.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close