Arsenal oo wajaheysa Dhibaato wayn oo dhanka Daafaca ah…(Arag SHAXDA ay ku soo gali karto Kulamada Liverpool iyo Brighton )

(London) 23 Dis 2018. Arsenal ayaa wajaheysa mashaqo dhanka daafaca ah kulamada fasaxa ee Ciidka gaalada.

Nacho Monreal ayaa noqday daaficii ugu dambeeyay ee ku biira liiska dhaawacyada ee kooxda kaddib dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray kulankii dhawaa ee Burnley.

Hector Bellerin, Rob Holding, Konstantinos Mavropanos iyo Shkodran Mustafi ayaa dhaawacyo ku wada maqan.

Laurent Koscielny oo dhawaan uun dhaawac ka soo kacay ayaa la arkaa inay Arsenal ku qabsato inuu si buuxda u ciyaaro labada kulan ee Brighton iyo Liverpool.

Laakiin haddii uu tababare Emery go’aansado inuu nasiyo Koscielny, Ainsley Maitland-Niles iyo Sead Kolasinac ayaa ku soo bilaaban kara daafacyada garbaha ee kooxda.

Gunners ayaa Boxing Day la ciyaari doonta Brighton ka hor inta aysan u safrin Liverpool sabtida 29-ka bisha.

EEG SHAXDA ay Liverpool ku ciyaarti karto kulamada Brighton iyo Liverpool:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close