“Waan dagaalami doonaa ilaa iyo daqiiqada ugu dambeysa” – Guardiola oo ka hadlay guuldaradii kasoo gaartay kooxda Crystal Palace

(Premier League) 22 Dis 2018. Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay inuusan dareemin wax niyad jab ah, inkastoo ay guuldaro xanuun badan ee 3-2 ah kala kulmeen Crystal Palace, kulankooda 18-aad ee horyaalka Premier League.

Pep Guardiola ayaa ciyaarta kadib wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah ee BBC wuxuuna yiri:

“Waxaan kulanka kaga bilaawanay qaab ciyaareed fiican, waxaan sameenay fursado dhowr ee halis ah, waxaan dhalinay gool qurux badan, kadib waxay ku guuleysteen inay maamulaan khadka dhexe waxayna dhaliyeen gool”.

“Ma ahan inaan sabab ugu noqono rigoore xerada ganaaxa sida uu ku yimid goolka saddexaad, waa inaan ka fogaanaa, tani waa kubada cagta, sadeex shuut waxay sababtay saddex gool”.

“Guuldaradan waxay sii xumeeneysaa xaalada, laakiin waan dagaalami doonaa ilaa iyo daqiiqada ugu dambeysa, waxaan wali ku jirnaa December, waxaana isku dayi doonaa inaan ka soo kabano guuldaradan, si aan markale dib ugu laabano wadada guulaha”.

“Waxaan wali heysanaa kulamo badan, waa inaan soo kabsanaa, isla markaana aan diirada saarnaa”

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close