Messi iyo Dembele oo guul ku Hogaamiyay Barcelona

( La liga ) 22 Dis 2018. Barcelona ayaa cayaar adag guul kaga gaartay Celta Vigo kaddib markii ay kaga badiyeen 2-0.

Qeybta hore cayaarta ayay dhasheen goolasha ay ku awood roonaatay Barcelona waxaana goolka daah furka u dhaliyay Ousmane Dembele daqiiqadii 10-aad.

Dhammaadka kaambiyaha hore gaar ahaan daqiiqadi 45-aad Lionel Messi ayaa goolka labaad u dhaliyay Barca.

Celta Vigo ayaa dhankooda sameeyay jaanisyo goolka balse uma suura galin iney gool la yimaadaan.

Barcelona ayaa aad ugu baahneed guushan waxayna hadda hogaanka ku hayaan 3-dhibcood iyadoo ay kusoo xigto Atletico Madrid oo leh 34-dhibcood.

Labada koox ayaa soo bandhigay kulan ku dhisan aqlaal wanaag kaddib markii uu garsoorka bixiyay hal jaale waxaana la siiyay weeraryahanka Celta Vigo Iago Aspas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close