Klopp oo Rikoor shaqsi ah ka gaaray Ingiriiska kadib guushii xalay

(Liverpool) 22 Dis 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa rikoor shaqsi ah ka gaaray ingiriiska kadib guushii xalay.

Liverpool ayaa xalay sii dheereysatay hogaanka Premier League kadib markii ay 2-0 ku garaacday kooxda Wolves oo ay marti u ahayd.

Guushii xalay Klopp uu ka gaaray Wolves ayaa ka dhignayd inuu guul ka wada gaaray dhamaan kooxaha ingiriiska ee uu ka hortagay tartamada oo dhan kuwaas oo ah 32-kooxood.

Wolves ayaa ahayd kooxda kaliya ee tababare Klopp uu ku fashilmay inuu guul ka gaaro, 2017 ayaana looga adkaaday Reds 2-1 kulan ka tirsanaa wareega 4-aad ee FA Cup-ka.

Laakiin xalay ayuu ku guulaystay inuu guul ka gaaro taas oo ka dhigtay inuu guul ka wada gaaray dhamaan 32-dii kooxood ee uu ka hortagay gudaha Ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close