HORDHAC: Real Madrid vs. Al-Ain

( Abu Dhabi ) 22 Dis 2018. Real Madrid ayaa la cayaareysa finalka koobka kooxaha adduunka naadiga reer carbeed ee Al-Ain.

Los Blancos ayaa damacsan ay koobkan hantaan markoodii seddaxaad oo xariira waana taariikh aan ebed dhicin.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Club World Cup

Waqtiga: 07:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Gianluca Rocchi ( Italy )

Garoonka: Zayed Sports City Stadium

Wararka Kooxaha

Marco Asensio ayaa dhaawac kaoso gaaray kullankii afar dhamaadka isagoo seegaya cayaarta finalka sid ay sheegeen waaxda caafimaadka kooxda.

Burburiyaha dhexe ee Casemiro ayaa sido kale dheelay kullankii Kashima iyadoo la rajeynayo inuu ku bilaawdo shaxda 11- ruux.

Ma jiro wax dhaawac kaga maqan kooxda horyaalka Dubai ka dhisan ee Al Ain taa oo wareega afar dhammaadka rigoorayaal 5-4 ka soo baxday River Plate markii kullankooda ay isku mari waayeen 2-2.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Kullanka maanta dhexmaraya kooxahan waa markii u horreysay oo ay isaga hor yimaadaan tartan kubbadda cagta ah.

Inkastoo Real Madrid ay hore u garaacday kooxda UAE ka dhisan ee Al Jazira sanadkii lasoo dhaafay wareega afar dhammaadka koobkan, waxaana xiligaa u dhaliyay goolasha ay ku badisay oo 2-1 ahaa Ronaldo iyo Bale.

Maamulaha Real Santiago Solari, ayaa koobkan hore ula qaaday kooxda xilligii la oran jiray Intercontinental Cup sanadkii 2002-dii.

Dhanka kale, Al Ain waa kooxda ugu xoogga badan Abu Dhabi iyo kooxda kaliya ee UAE ka dhisan ee ee ku guuleysatay tartanka Asian Champions League, iyagoo ku guuleystay 2004-tii.

Safafka Macquulkaa ee labada Naadi

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Kroos, Casemiro; Bale, Benzema, Lucas

Al Ain: Essa; Shiotani, Fayez, Ismail, Ahmad; Abdulrahman, Barman, Doumbia; El Shahat, Berg, Caio

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close