David Beckham oo si shaqsi ah ula xiriiray Mesut Ozil (Muxuu kala hadlay?)

(London) 22 Dis 2018 Halyeeyga reer Ingiriis ee David Beckham ayaa si shaqsi ah ula xiriiray laacibka Arsenal ee Mesut Ozil.

Xiddiga reer Jarmal ayaa loo badinayaa in Gunners ay suuqa dhigto bisha Janaayo oo maalmo kooban oo kaliya ay naga xigto bilaabashadeeda.

Related image

David Beckham waa milkiilaha kooxda reer Maraykan ee Inter Miami, wuxuuna doonayaa inuu ku qanciyo sidii uu ugu soo dhaqaaqi lahaa horyaalka MLS-ka Maraykanka.

Wargayska Bild ayaa daaha ka qaaday in David Beckham uu la xiriiray Ozil si uu u ogaado inuu u soo dhaqaaqi karo kooxdiisa Inter Miami bisha Janaayo.

Tababare Emery lama dhacsana qaab ciyaareedka Ozil, sidaas darteed kooxdu waxay diyaar u tahay inay iska dirto haddii ay ku helayso qiimo macquul ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close