Aubameyang oo sameeyay wax ay sameyn waayeen Ciyaartoyda Arsenal ee iminka iyo kuwii horeba xitaa Thierry Henry!!

(London) 22 Dis 2018. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sameeyay wax ay sameyn waayeen ciyaartoyda hadda ee Arsenal iyo ciyaartoydii hore kaddib labadii gool uu galabta ka dhaliyay naadiga Burnley ciyaartii ay 3-1 uga adkaadeen.

Labada gool ee dhaliyaha reer Gabon ayaa ka dhigan inuu hogaanka gool dhalinta Premier League kala wareegay Maxamed Saalax oo lahaa 11-gool oo wuxuu iminka isagu leeyahay 12-gool.

Laakiin micnahaas oo kaliya ma aysan sameyn labadiisa gool oo waxay kaloo ka dhigan tahay inuu 22-gool dhaliyay 31-kulan uu Arsenal u saftay Premier League waa in 5-gool dheer laacib kasta oo ka tirsan Arsenal oo waxaa ugu soo dhow Thierry Henry oo mudadaas oo kale ku dhaliyay 17-gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close