Arsene Wenger oo isku diyaarinaya inuu noqdo badalka Gattuso ee kooxda AC Milan

(Serie A) 22 Dis 2018. Macalinkii hore kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa u muuqda inuu yahay musharaxa ugu cad cad ee noqon kara badalka Gennaro Gattuso ee kooxda AC Milan.

Kooxda Milan ayaa guuldaro 1-0 ah kala kulantay dhigeeda Fiorentina taasoo xaalada ku sii xumeeneysa Gennaro Gattuso, waxaana haatan shaki xoogan la galinayaa mustaqbalkiisa San Siro.

AC Milan ayaa dharbaaxo hor leh la ku lantay kulankii ay ka ciyaareen wareega 17-aad ee horyaalka Talyaaniga, waxaana kaalinta 4-aad ay ku jireen kaga dheceen kaalinta 5-aad.

Sida laga soo xigtay wargeyska “TUTTOmercato” ee dalka Talyaaniga Gennaro Gattuso ayaa fursad u heysta labada kulan soo aadan ay la ciyaari doonaan kooxaha Frosinone iyo SPAL, hadii uu guuldareysto waxaa laga ceyrin doonaa shaqada kahor sanadka cusub 2019.

Halyayga reer France ee Arsene Wenger ayaa ah macalinka ugu cad cad ee shaqadan la wareegi kara, gaar ahaan tan iyo markii uu kooxda Milan u dhaqaaqay agaasimihii hore kooxda Arsenal Ivan Gazidis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close