Unai Emery oo ka hadlay wararka xanta ah ee ku aadan mustaqbalka Mesut Ozil ee kooxda Arsenal

(Chelsea) 21 Dis 2018.  Macalinka kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa go’aamiyay wararka ku aadan mustaqbalka laacibka reer Germany Mesut Özil ee kooxda Gunners.

Mesut Özil ayaa laga reebay liiska xidigaha kooxda Arsenal kulankii Tottenham Hotspur ee tartanka Carabao Cup, waxayna taasi badalkeeda dhalisay in Ozil lala xiriiriyo ka tagista Emirates Stadium.

Hadaba wargeyska “Metro” ee dalka England ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu bixiyay macalinka reer Spain Unai Emery, wuxuuna ka hadlay mustaqbalka Mesut Özil.

“Waxaan doonayaa ciyaaryahan walba ee heysta maskax aad u wanaagsan si uu noo caawiyo”.

“Wuxuu nasiin karaa tayadiisa iyo kartidiisa, waxaan u baahanahay Mesut Özil”.

“Ciyaaryahan walba wuxuu doonayaa inuu ciyaaro si uu kooxdiisa u caawiyo, marka aan u baahano, balse niyad jabka ayaa imaan kara, marka aysan ciyaartoyda ka qeyb galin kulamada ay kooxda ciyaareyso”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close