Real Madrid oo wayn karta xiddig muhiim ah Final-ka koobka kooxaha adduunka

(Dubai) 21 Dis 2018 Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Marco Asensio uu seegi karo Final-ka koobka kooxaha adduunka.

Real Madrid ayaa habeen dambe Final-ka koobka kooxaha adduunka kula balansan kooxda reer carbeed ee Al Ain FC.

Marco Asensio ayaa maanta isaga tagay Hotel-ka ay dagan yihiin xiddigaha Real Madrid si loo soo saaro raajo lugtiisa midig oo uu dhaawac ka qabo sida ay baahisay Marca.

Asensio kama qayb qaadan tababarkii shalay ee xiddigaha Real Madrid ay ugu diyaar garoobayeen kulanka Final-ka ah maadaama uu xanuun ka dareemayo muruqa shanshada lugta midig.

Waxaana la filayaa in xiddigaan uu seegi doono kulanka habeen dambe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close