Ramos oo ka hadlay wararka ku aadan in Mourinho uu tababare ka noqon doono kooxda Real Madrid

(Spain) 21 Dis 2018. Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa ka hadlay waxyaabo badan kadib markii uu kasoo muuqday shirka jaraa’id kahor kulanka finalka Club World Cup ay habaeen dambe kula ciyaari doonaan kooxda carbeed ee Al-Ain.

32 jirkan ayaa ugu horeyn ka hadlay wareysi uu bixiyay Cristiano Ronaldo, taasoo ka careysiiyay taageerayaasha kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:

“Ma aanan maqlin Cristiano oo ka hadlaya Real Madrid, waqtigii uu halkan ku sugnaa wuxuu arkay kooxda aan haatan heysano, taasi waa sirta ka dambeysa guusheena”.

“Waan ku faraxsanahay sababroo ah wuxuu qabanayaa shaqo aad u fiican”.

Intaas kadib Sergio Ramos ayaa wuxuu ka hadlay wararka ku aadan in macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho uu markale dib ugu soo laabanayo kooxda Real Madrid.

“Aniga ma ahi qofka go’aamin doona macalinka ay yeelan doonto kooxda Real Madrid, waxaan soo ahayn la’aanta Jose Mourinho mudo 5 sanno ah, welina isaga ayaan ka hadleynaa”.

“Waxaan heysanaa fursad aan ugu guuleysan karno tartan muhiim ah, walina waxaan ka hadleynaa Mourinho, sidaas darteed kabtanka ma go’aamiyo tababarayaasha”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close