SAWIRRO: Neymar oo TINTA u jartay sida Baasto Spaghetti

(Europe) 21 Dis 2018. Xiddiga ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ee Neymar ayaa si Yaab leh tinta u xiirtay kaddib markii uu dib ugu laabtay dalkiisa Brazil maadaama uu ciyaari doonin kulanka ugu dambeeya sanadkan 2018 ay berito ciyaareyso PSG.

Kooxda reer France ayaa beri la ciyaareysa Nantes, Neymar ayaana dhaawac ku seegi doono kulanka.

Laacibkii hore ee Barcelona ayaa fasaxiisa ugu faa’iideysatay inuu dib ugu laabto dalkiisa isla markaana hab Cusub oo Yaab leh Tinta u xiirto.

Taageerayaal baraha bulshada kaga soo hadlay ayaa qaar badan isku raaceen inuu Tinta u jartay sida Baasto Spaghetti.

EEG SAWIRKA:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close