Maurizio Sarri oo ka jawaab celiyay wararka ku aadan in Higuaín uu ku biirayo kooxda Chelsea

(Chelsea) 21 Dis 2018. Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa ka jawaabay wararka xanta ah ee ku aadan in Blues ay sameyn doonto saxiixa weeraryahanka kooxda AC Milan ee reer Argantina Gonzalo Higuaín.

Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay in uu jecelyahay Gonzalo Higuaín kaasoo uu arko inuu yahay weeraryahan cajiib ah, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay inuusan xiligan diyaar u ahayn sameynta saxiixiisa suuqa furmi doono bisha Janaayo ee soo aadan.

Waxaa xiliyadii lasoo dhaafay jiray warar ku aadan in kooxaha Chelsea iyo AC Milan ay is dhaafsanayaan xidigaha Maurizio Sarri iyo Alvaro Morata marka la gaaro bisha Janaayo.

Maurizio Sarri oo arintan ka hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Waan jeclahay isaga, waa ciyaaryahan cajiib ah, lakiin ma doonayo inaan ka hadlo Gonzalo Higuaín maadaama uu u ciyaaro koox kale”.

“Xiligan la joogo waxaan heystaa laba weeraryahan, lagu daray Eden Hazard”.

Dhinaca kale tababaraha kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday maanta oo Jimco ah wuxuu kaga hadlay wararka ku aadan in uu baxayo Higuaín, isagoo sheegay inuu sii joogi doono kooxda Rossoneri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close