Marco Asensio oo laga saaray finalka koobka kooxaha Adduunka kaddib dhaawac soo gaaray ( Imisa ayuu Maqnaan )

( Dubai ) 21 Dis 2018. Weeraryahanka Real Madrid Marco Asensio ayaa laga saaray finalka koobka kooxaha adduunka oo ay maalinka beri ah la dheeli doonan Al Ain.

Kooxda heysta koobka horyaalka yurub ayaa xaqiijisay in laacibkooda uu soo gaaray dhaawac bowdada ah subaxnimadii Jimcaha.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, ayaa ahaa mid aan bandhig wanaagsan sameyn kal cayaareedkan isagoon xitaa gool dhalin tan iyo bishii September, waxaan soo gaaray dhaawac kullankii ay arbacada 3-1 uga badiyeen Kashima Antlers afar dhammaadka koobkan.

Marco Asensio suffered a thigh injury against Kashima Antlers on Wednesday

Wuxuu ku yimid badal dheeshaa laakiin waa la badalay markii kullanku ka harsaneed 14-daqiiqo.

‘kaddib markii ay baaritaano ku sameeyeen cayaartoygeena Marco Asensio waaxda caafimaadka, waxaa soo gaaray dhaawac daran oo lugta midig ah,’ waxaa sidaa sheegtay kooxda caafimaadka Real Jimcihii.

Warbixinta ayaa intaa kusii darin inta uu maqnaanayo Asensio, laakiin sida ay baahinayaan warbaahinta guduha waxaa laga yabaa inuu ugu yaraan maqnaado mudda bila.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close