Looma Kala Harin Daawashada Koobkii Adduunka ??…iyadoona FIFA ay Shaacisay Daawadayaasha Dhacdadii lagu Qabtay Dhaawan Russia

( Russia ) 21 Dis 2018. Kala bar dadka ku nool adduunka ayaa daawaday koobkii adduunka ee lagu qabtay Russia xagaagii, sida lagu warinayo baaritaano ay sameysay Fifa.

Rikoodh gaaraya 3.57 Bilyan ( Seddax dhibic konton iyo todoba Bilyan)  oo ruux ayaa daawatay intii lagu guda jiray cayaaraha tartanka adduunka, sida ay sheegtay Publicis Media Sport and Entertainment.

In ka badan 1 Bilyan ayaa daawatay finaalka, halka 327.5 Milyan ( Seddax boqol todoba iyo labaan dhibic shan Milyan ) ayaa daawatay kullankii afar dhammaadka England ay guuldarrada kasoo gaartay Croatia.

Image result for World Cup: Almost half world's population watched Russia 2018

Sido kale daawadayaasha ayaa ahaa tiradii ugu badneed ee ebed daawata koobka adduunka mar loo eego dhaqdooyinkii ka horreeyay.

Philippe le Floc’h, oo ah guddoomiyaha gudiga kubbadda cagta adduunka ayaa yiri “Meel kasta oo ay joogaan taagerayaasha waa kuwa u hamuun qaba daawashada cayaarta kubbadda cagta “.

Wuxuu intaa kusii daray: “Tirikoobyadan ayaa dhab ahaantii sheegaya in koobkii adduunka ee lagu qabtay Russia 2018 uu ahaa kii ugu wanaagsanaa ebed tartanka kubbadda cagta adduunka.”

France ayaa ku guuleystay cayaaraha adduunka, kuwasoo la cayaaray 64 dheel intii u dhaxeysay 14 June ilaa 15 July ee sanadkan gabagabada ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close