Shaxda la filayo inay yeelan doonto Manchester United hadii uu Zidane la wareego shaqada tababarka

(Manchester) 20 Dis 2018. Wargeyska reer Spain ee “AS” ayaa daabacay shaxda ay yeelan doonto kooxda Manchester United, hadii Zinedine Zidane uu mas’uul ka noqdo kooxda mustaqbalka dhow ka dib markii Jose Mourinho la ceyriyay Talaadadii.

Manchester United ayaa ku dhawaaqday Talaadadii inay shaqada ka ceyrisay Mourinho, waxayna si ku meel gaar ah ee ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan shaqada ay ugu magacaawday Ole Gunnar Solskjær.

Warar ayaa sheegaya in Zidane uu iska diiday inuu qabto shaqada tababarka kooxda Red Devils xilli ciyaareedkan, wuxuuna doonayaa inuu sugo ilaa xagaaga soo aadan.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Zinedine Zidane uu qorsheenayo in safka kooxda Manchester United uu ku xoojisto saddex xidig kala ah Raphaël Varane, Toni Kroos, James Rodríguez.

Hadaba shaxda la filayo inay yeelan doonto kooxda Manchester United hadii uu tababare ka noqdo Zinedine Zidane ayaa ah:

Goolhaaye: David de Gea.

Difaacyada: Luke Shaw, Raphael Varane, Kalidou Koulibaly, Diogo Dalot.

Khadka Dhexe: Nemanja Matić, Toni Kroos, Paul Pogba.

Weerarka: Marcus Rashford, James Rodríguez, Romelu Lukaku.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close