RASMI: Xiriirka FA oo GANAAX dul dhigay kooxaha Arsenal iyo Tottenham

(London) 20 Dis 2018. Xiriirka FA ee dalka Ingiriiska ayaa Ganaax dul dhigay kooxaha ka wada dhisan magaalada London ee Arsenal iyo Tottenham kaddib markii ay ciyaartoydoodu xakameyn waayeen.

Sheekada is qab-qabsiga ciyaartoyda    Gunners iyo Spurs ayaa dhacday 2-da bishan December, kulankii xiisaha lahaa ay Arsenal ku adkaatay 4-2.

Dagaalka ciyaartoyda labada dhinac ayaa dhashay kaddib markii uu gool bar baro ah dhaliyay Eric Dier qeybta hore ee ciyaarta isla markaana aamusiyay taageerayaasha Arsenal isagoo farta afka saartay.

Ciyaartooy ay ka mid yihiin Dele Alli, Hector Bellerin, Shkodran Mustafi iyo Dier qudhiisa ayaa si la yaqaano isugu boolo xoofteeyay iyagoo shafka gacanta iska saaray.

Bayaan uu soo saaray iminka xiriirka FA-ga dalka Ingiriiska ayaa lagu xaqiijiyay in Arsenal lagu ganaaxay adduun lacageed dhan 50,000 oo bound halka Tottenham lagu ganaaxay 45,000 bound maadaama ay xakameyn waayeen ciyaartoydooda.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close